• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukunno kala duwan ridday

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 14, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray  dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Booliis.  Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID.

Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka,  sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga  halka Sedax Alifle Boliis Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo  kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliis Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.

Sedax Alifle Boliis Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Previous Post

Dhageyso:- Warka Subax Ee Radio Dalsan 14-01-2019

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan xasaasi ah ku leh Magalada Muqdisho

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan xasaasi ah ku leh Magalada Muqdisho

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00