Wasiirka Maaliyada Somaaliya Cabdiraxmaan ducale(Beyle) oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka Maaliyada ayaa Maanta waxay kormeer howleed ku tageen Hoggaanka Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed.
Ujeedada kormeerkooda ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa qaadista Canshuurta sidoo kale Shacabka lagu wacyigeliyo in ay bixiyaan Canshuurta dowladda si iyaga wax loogu qabto.
Wasiirka Maaliyada Somaaliya ayaa ka dalbaday ciidanka u xilsaaran qaadista Canshuurta in ay daddar geliyaan howlaha ay u qabanayaan Shacabka islamarkaana looga baahan yahay in ay siwanaagsan ula dhaqmaan.
Sawiro