Sawirro:-Yaa ku soo baxay doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb?

Magalada dhuusamareeb waxaa Goordhow lagu soo gaba gabeeyey  doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay ku tartameen laba musharax oo kala ahaa Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar.

Goobta Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Madax ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyey Madaxa Xukuumadda,Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Inta aysan bilaaban codeynta doorashada ayaa waxaa jirtay in uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ee  Xiireey Muxudiin Cumar,isaga oo sheegay in uu ka tanaasulay u yartamida kursigaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xaliimo Yareey ayaa sheegtay inay doorashada dhaceyso,isla markaana cod lagu kala baxayo,iyada oo la raacayo habraaca doorashada.

Intaasi kadib waxaa la guda galay codeynta doorashada,iyada oo ay codkooda dhiibanayeen 51 ergo,waxaana ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey ay ku dhawaaqday Natiijada,waxana ay kala heleen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud   43 Cod iyo Xiireey Muxudiin Cumar oo helay  7 Cod waxaa halaabay hal Cod.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor