Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay Bandowga habeenkii labaad ka dhaqangalay magaalada Muqdisho isaga oo tilmaamay in wax laga bedeli doono.
Taliyaha ayaa ku amaanay shacabka ku nool magaalada Muqdisho sida ay ula shaqeeyeen ciidamada Boliiska ee loo xilsaaray dhaqangelinta Bandowga magaalada Muqdisho isaga oo faray ciidamada si wanaagsan in ay ula macaamilaa. Bulshada.
Dhinaca kalana waxaa uu tilmaamay in Bandowga uu gaari doono bisha barakaysan ee Ramadaan hase’ahaatee wax laga bedeli doono qaabka uu hadda ku socdo,waxaana taliyuhu sheegay in uu ogsoonyahay in bishaas ay is bedesho nolosha danyartana loo fududeyn doono howlahooda.