CIYAARTOYDA XULKA QARANKA SOOMAALIYEED EE TAEKWONDO-GA OO SI HEER SARE LOOGU SOO DHAWEEYEY Dalka Ruushka +Sawirro

Waxaa kooxda qaranka Soomaaliyeed ee Tarkwondo-ga si heersare ah loogu  soo dhaweeyey magaalada Chelyabinsk ee wadanka Russia oo ka dhici doonaan ciyaaraha Takewanduga aduunka 2015

 

cayaartooyda ay si aad ah ugu farxay soo dhaweyntaas. Waxaa la filayaa in ay maalinta Talaadada uu si rasmi ah uga furmi doono tartanka Taekwondo-ga aduunka 2015 iyadoo tartankaan ay kasoo qeyb galeen ilaa iyo 138 dal oo ka kala yimid caalamka daafihiisa kala duwan..

 

Waxaa sidoo kale Isla magaaladaas Chelyabinsk ee wadanka Russia barito ka furmaya doorashooyinka madaxa taekwendowga aduunka oo lafilaayo in loo doorto madax cusub oo ka kala socdo 5 qaaradood ee aduunka..

 

Madaxa wafdiga Soomaaliya  Gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna madaxa xiriirada caalamiga  ee xiriirka Takewanduga  Soomaaliya Eng. Ahmed Ciise Kirish oo haatan hogaaminaayo kooxda xulka qaranka Taekwondowga Soomaaliyeed ee kusugan dalka Russia ayaa warbaahinta u sheegay inay kooxda qaranka rajeynayaan inay guulo iyo dhibcooyin badan kasoo hooyaan si ay uga qeyb galaan ciyaaraha Olombikada aduunka Rio 2016 oo lagu qaban doono magaalada Rio De Janeiro ee wadanka Barazil.

 

Gudoomiye Eng. Kirish ayaa ugu horeyntii  umahad celiyey xiriirka Taekwondow-ga  aduunka iyo weliba xiriirka Taekwondow- ga ee Russia sida diiran ay usoo dhaweeyeen  cayaartooyda xulka qaranka Soomaaliyeed ee Taekwondow-ga iyagoo dalka Russia sanadka ciyaaraha Taekwondow-ga aduunka 2015 martigeliyey soona dhaweeyey ciyaartooy gaaraya 850 iyo madaxdooda Taekwondow-ga oo ka kala socday ilaa iyo 138 wadan.

 

Xiriirka Soomnaaliyeed ee Takewanduga  ayaa guulo kasoo hoyay   ciyaraihii  ay ka qayb galeen waxayna ka mid yihiin in ay guul muhiim ah aydalka u soo hoyaaan.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email:[email protected]

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor