Garsoore Ku Howlaneyd Kiis Al Shabab La Xiriira oo Lagu Dilay Kampala

Dabley hubeysan ayaa waxay xalay bartamaha caasimadda dalka Uganada ee Kampala ku toogteen Haweeney lagu magacaabo Jo’aan Kagazi, taasi oo gacanta ku haysay dacwad lagu soo oogay tobaneeyo qof oo lala xiriirinayo Alshabaab.

Afhayeenka Boliska Uganda, Patrik Onyango ayaa shegay in ay labo nin oo wadatay mooto ay toogteen Jo’aan Kagazi, xilli ay gaari ku wadatay bartamaha Kampala, kuna sii jeeday hoygeeda.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyey dilkeeda, oo ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, markii laga digay weerato ka dhaca Kampala.

Jo’an Kagazi ayaa ahayd Madaxa Dacwad=oogayaasha kiis loo haysto tobaneeyo qof oo lala xiriirinayo Alshabaab, lana sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii sanadkii 2010-kii ka dhacay Kampala, laguna dilay ugu yaraan 79-qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor