Senator Axmed Cabdixafiid Bulsho oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadiisa tahay Jubbaland ayaa ka hadlay Go’aankii shalay Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland.
Senator Bulsho oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Go’aanka dowladda ee Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweyne KMG ah muddo laba sanno ah, isagoo tilmaamay in G’aankaas uu kusoo aaday xili muhiim ah.
Waxaa uu sheegay Senator Bulsho in Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu sababay in dhibaatooyin kala duwan soo gaaran shacabka, hayeeshee waxaa uu xusay in haatan uu muuqdo Isfaham soo kala dhex-galay labada dhinac.
Sidoo kale Senatorka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay heshiis ka wada gaari doonaan Khilaafyada muddooyinkii dambe ka dhexeeyay, isla markaana wada-hadal yeelan doonaan.
“Intii isfahan la’aantu ay ka dhax-jirtay DF iyo Jubbaland waxaa hubaal ah inuu jiray dib u dhac xooggan oo shacabka soo gaaray,si boqolkiiba boqol ah ayaan usoo dhaweyneynaa isfahanka” ayuu yiri Senator Bulsho.
Jubbaland ayaa qaadacday Go’aankii kasoo baxay dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland, iyagoona tilmaamay in Go’aankaas uu yahay mid sharci darro ah.