Wafdi ka socday Midowga Africa oo uu hogaaminayay guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika, Samial Chergui, oo booqasho laba maalin ah ku joogay dalka Burundi, ayaa ugu dambeyn caawa ku qanciyay dowladda Burundi in aysan ciidankooda kala bixin soomaaliya.
“ Waxaan u mahadcelinayaa shacabka iyo geesiyaasha dalka Burundi iyo Dowladda, waxaan ugu hambalyeynayaa heshiiska ay la gaareen midowga Africa, ciidanka Nabad ilaalinta Burundi waa ay sii joogi doonaan, soomaaliya” sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika, Samial Chergui.
Dhinca kale, wakiilka xoghayaha guud ee QM ee soomaaliya Michael Keating, oo ka hadlayay bixitaanka ciidamada Burundi, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska ay wada gaareen Midowga Africa iyo Burundi.
“ Hambalyo Burundi iyo Midowga Africa, heshiiska aad wada gaarteen, booqashadii guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika, Samial Chergui, ee dalka Burundi, waxaa uu noqday mid mira dhala” waxaa sidaasi yiri Michael Keating.
Mushaharka ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.
Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.
Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.
Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa sheegaya in heshiiska ay Burundi iyo Midowga Africa uu dhiiragalin doono howglalka nabad ilaalinta Midowga Africa.