Nin Muqdisho ugu dilay xaaskiisa 25 Dollar uu Mooto Bajaaj ku sameeysan rabay

Nin ku hubeysnaa Tooreey ama middi ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa uu xaaskiisa uu qabay ku dilay xaafad ka tirsan degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Ninka dilka u geystay xaaskiisa oo lagu magacaabo Maxamed shamsi Muumin ayaa waxaa la sheegay inuu xaaskiisa uu qabay u dilay lacag 25 Dollar uu weydiistay, balse ku wargelisay in aysan heynin lacagta uu rabo, una sheegaty inay heyso oo laba dollar oo kaliya.

Haweeneyda uu Ninkeeda ku dilay tooreeyda oo dhowr meel kaga dhuftay ayaa lagu magacaabi jiray Qamar Cabdi Camar, waxaana ifka kaga tegtay 12 Carruur ah oo ay dhashay, sida uu Dalsan u sheegay Cabdi Cumar Xasan oo ah aabaha dhalay Marxuumada.

Aabe Cabdi Cumar ayaa xaqiijiyay in gabadhiisa uu middi ku dilay Ninka qabay oo lagu magacaabo Maxamed shamsi Muumin, isla markaana nafta u dhaafiyey gabadhiisa 25 Dollar oo uu weydiistay lacagtaas oo uu doonayey inuu ku sameeysto Mooto Bajaaj.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ninka falka geystay uu goobta si deg deg ah uga baxsaday, isagoona ay haatan ku raad-joogaan laamaha amniga dowladda, si gacanta loogu soo dhigo, looga horgeeyo sharciga.

Dhacdadaan ayaa siweyn u hadal haaya dadka deegaanka Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, waxaana dilka Marxuumad Qamar Cabdi ka naxay qoyskeeda iyo dadkii kale ee yaqaanay. Mana ahan markii ugu horreeysay oo falkaan oo kale ka dhaco Magaalada Muqdisho.