Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada AMISOM isgoyska Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Villa Baydhabo.

Qaar ka mid ah goobjoogayaal ka ag dhowaa isgoyska marku qaraxa dhacayay ayaa sheegay inay arkayeen ilaa sadex qof oo ku dhintay qaraxa, waxaana sidoo kale jira tiro intaa ka badan oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo taliyayaasha amniga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay safar dhulka ah ku tageen magaalada Balcad

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor