Dowladda Turkiga oo walaac ka muujisay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkigu ay ka walaacsan tahay dib u dhaca iyo khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya, waxaana ay baaq u dirtay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay wada hadlaan, wax walibana ay xaliyaan, iyagoo ku salaynaya heshiskuu 17-kii September 2020.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in in muhiim ay tahay qabashada doorasho dalka ka dhacda.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor