Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.
Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.
Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.
Booqashada uu Maanta Safiir Staffan Tillander ku tegay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno kala duwan oo ka xafiisk Safiirka Sweden ee Soomaaliya.