Kenya oo shaacisay xilliga Xukunka lagu ridayo rag ku eedeysan weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi waxay shalay sheegtay inay dacwad ku heleen 3 nin oo gacan ka geystay weerarkii ay Dagaalamayaal Alshaabaab ku qaadeen Jamaacadda magaalladda Gaarisa bishii April 2-dii ee sannadkii 2015-kii, laguna dilay 148 qof oo badankooda arday ahaa.

Maxkamaddu wax faahfaahin ah kama bixinin qaabka ay raggaasi gacanta uga geysteen weerarkaasi.

Saddexda Eedeysane oo labo ka mid ah Somali-Kenyan yihiin, halka kan kalena u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Xasan Aadan Xasan, Maxamed Cabdi Abayr iyo Rashiid Mberesero.

 Eedeysane 4-aad oo lagu magacaabo Sahal Diti Xuseen ayaa la sii daayey, kadib, markii lagu waayey wax caddaymo ah oo muujinaya inuu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Garissa.

Garsooraha Maxkamadda Nairobi, Francis Andayi waxa uu amray in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga, inta laga gaarayo bisha soo socota ee July 3-da, xilligaasi oo lagu dhawaaqi doono Xukunkooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media