Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu tallaabo adeg ka qaadi doono dad uu sheegay inay kasoo horjeedan danaha danta guud.
Guddoomiye Cumar Filish oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in isku socodka gaadiidka iyo Ganacsida ay ka go’een wadada 30-ka halka ay biyuhu fariistaan ee Shirkadda DAALO, ayna sabab u yihiin dadka deegaanka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu isku dayay inuu wax ka qabto biyaha fariista halka loo yaqaano Shirkadda DAALO ee wadada 30-ka, hayeeshee howsha ay ka hor yimideen dadka deegaanka qaarkood oo uu xusay in aysan u bisleyn maareynta.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan biyaha fariistay wadada 30-ka, isla markaana halkaas ay u soo diri doonaan Booyado lagu qaado biyaha.
“Ciladaan sanadkii horey bilaabatay waxaan isku daynay inaan maareyno balse dadka deegaanka qaarkood ayaa ka hor yimid oo u bisleyn howsha maareynta” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho.
Ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Filish ayaa Digniin u diray dadka kasoo horjeeda danaha danta guud, wuxuuna adkeeyay in aan marnaba la qabali doonin arrintaas, isla markaana Maamulka uu tallaabo adeg ka qaadi doono cid kasta oo isku dayda carqaladeynta danaha danta guud.