Cumar Faaruuq Cismaan oo Nairobi loogu xiray kharaj uu kala baxsaday shirkad qaabilsan dhoofka

Omar Faaruuq Osman oo Nairobi lagu xiray Kharaj uu kala soo baxsaday Shirkad u qaabilsan Dhoofka.

Wargeyska Kenya Observer ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in Gacanta Dheer ee Sharciga uu ugu dambeyn gacanta ku soo dhigay Muwaadin Somali oo lagu maagacaabo Omar Faruk Osman, kaasi oo lagu lahaa Qaan muddo haatan laga joogo 5 sanno, xilligaasi oo laga casilay xilka Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (The Eastern Africa Journalists Association).

Wargeyska waxa uu qoray inuu Omar Faruk u joogay Nairobi si uu uga dacweeyo Koox Saraakiil ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Somalia ee NUSOJ, kuwaasi oo la sheegay inay kaga guuleysteen Doorasho dhawaan dhacday, isla markaana ay ka joojiyeen lacago uu ka heli jirey NGO ka diiwaan gashan gudaha Kenya.

Sida uu qoray Wargeyska kale ee “Business Daily” ee ka soo baxa Nairobi waxay Maxkamadi ka qaatay Omar Faruk Osman 3 Passaport oo uu lahaa iyo inuu bixiyo lacag damiin ah oo dhan 1.8 million oo Kenya Shillings, oo u dhiganta (17,899 Dollar) si loo sii daayo ilaa inta ay Maxkamadda mar kale dib u  dhegeysan doonto Dacwadiisa.

Omar Faruk Osman waxaa isbuucii hore lagu xiray Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi oo uu Transit ku ahaa, kadib, markii ay soo dacweysay Shirkadda Pinnacle ee Dhoofka iyo Socdaalka “The local tours and travel firm Pinnacle “ oo horey ugu lahayd lacag dhan 3.6 million Kenya Shillings, kaasi oo ah Kharajka Shirweyne uu Omar Faruk Osman ku qabsaday Hotel ku yaalla Nairobi sannadkii 2012-kii sida lagu qoray Hornobserver.

Shirweynahaasi oo ay yeesheen Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (The Eastern Africa Journalists Association) ayaa waxaa soo abaabushay Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO.

MILIMANI COURTHay’adda waxay dhamaan Kharajka Hotelka lagu qabanayey Shirkaasi ku wareejiyeen Omar Faruk, balse uu ilaa iyo haatan uu ka meermeerayey inuu bixiyo Kharajka Shirkadda Pinnacle ee Dhoofka iyo Socdaalka “The local tours and travel firm Pinnacle” ee u kireysay Hotelka lagu qabtay Shirka sannadkii 2012-kii.
Shirkadda Pinnacle oo dacwad u gudbisay Maxkamadad ayaaa sheegtay inuu horey ugu sheegay inuu Kharajka ugu soo diray Xisaab-lacageedka ay ku leeyihiin Bangi Maxali ah, balse uusan waxba soo dirin.

Garsoore Charles Kariuki ayaa bixiyey amarka lagu soo xiray Eedeysanahaasi, iyadoo Cumar Faaruuq shalay la hor keenay Maxkamadda Milimani ee magaalladda Nairobi.

Maxkamaddu waxay ku sii daayeen damiin lacageed oo dhan 1.8 million oo Shillinka Kenya, waxaana laga reebay Saddex Baasaboor oo uu lahaa, oo isugu jiray Baasabooradda Soomaaliga,Britishka iyo mid Diplomaasiyadeed.
Wargeyska Business Daily Africa ee ka soo baxa Nairobi waxa uu ka soo xigtay Cumar Faaruuq oo Maxkamadda horteeda kaga cataabay inay ku adag tahay inuu Baasaboor la’aan joogo magaalladda Nairobi, isla markaana ay Baasaboor la’aanta ka reebi doonto inuu guto Waajibaadkiisa shaqo.
Xigasho: Kenya Observer & Business Daily
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor