Gabar 6-jir ahayd ayaa lagu dilay, 6 qof oo kalena waa lagu dhaawacay Toogsho xalay ka dhacday Caasimadda dalkaasi ee Washington.
Telefishinka CNN-ka ee dalkaasi oo soo xiganaya Boliska ayaa baahiyey inuu weerarkaasi dhacay 11-ka Fiidnimo ee xalay, iyadoo gabadha yar u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray Toogashadaasi.
Boliska waxay kaloo sheegeen in 3 nin iyo 2 haween ah dhaawacyo ka soo gaareen Toogashadaasi, inkastoo aysan Noloshooda khatar ku jirin
Ma jirto cid loo soo xiray Toogashdaasi, waxayna Boliska weli wadaan Baaritaanada dadkii ku lugta lahaa Weerarkaasi.