Guddiga doorashada Mamulka Goboleedka Galmudug ayaa doortay Guddoomiye Cusub, waxaana sidoo kale ay doorteen Guddoomiye ku xigeen.
Maxamed Daahir Guuled ayay kulankoodii ugu horeeyey cod aqlabiyad ah Guddoomiye ugu doorteen Guddigu, waxaana Guddiga Hirgelinta Doorashadda dawlad goboleedka Galmudug ay ka kooban yihiin 11 xubnood.
Sidoo kale Guddiga ayaa Guddoomiye ku xigen u doortay Cabdirahman Ismaaciil Shire, waxaana mas’uuliyiinta la dooray ay sheegeen in si bulshada si cadaalad ah ugu adeegi doono.