Dowladda Sacuudiga ayaa ka baaraan degayso inay Maalgelin ku samayso qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha Somalia.
Wargeyska AAWSAT ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray Xogta ku aadan Qorshaha Dowladda Sacuudiga ku doonayso inay maalgelin ku bixiso Mashruuca Kalluumeysiga Somalia.
Wargeyska waxa uu qoray in Saraakiil ka socotay Hay’adda Guud ee Sacuudiga ugu qaabilsan Ganacsiga Dibedda ee GAFT iyo dhigooda Somalia ay Kulan Khaas ah ku yeesheen Caasimadda dalka Cumaan ee Masqat.
Muddadii uu socday Kulankaasi waxay Ergada Sacuudiga sheegeen inay Somalia ka jirto Fursado badan oo maalgashi, gaar ahaan Mashruuca Kalluumeysiga.
Dalka Somalia waxa uu ka mid yahay dalalka ugu Xeebta dheer Qaaradda Afrika, isla markaana hayinka u ah dhoofinta Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Guud ee Sacuudiga ugu qaabilsan Ganacsiga Dibedda ee GAFT waxaa loo asaasay sare u qadida Hawlaha Maalgashiga Sacuudiga iyo in la adkeeyo Mowqifka Sacuudiga ee Ganacsiga ee Maandiqada iyo guud ahaan Caalamka.