Danjiraha Dowladda Maraykanka u jooga Somalia, Stephen Schwartz waxa uu shalay Kulan la yeeshay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulankaasi ayaa looga hadlay Xiriirka Somalia iyo Maraykanka iyo Taageeradda ay Maraykanka ka geysanayso dhinacyadda Amniga, Mushaaraadka Ciiddamadda iyo Hawlaha gurmadka Abaaraha ka jira Somalia.
Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudoonsiiyey Koofiyad la mid ah tii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u adeegsaday Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda dalkaasi.
Koofiyadda la guddoonsiiyey Maaxweyne Farmaajo ayaa waxay ka koobnayd labo midab ee Calanka Somalia, waxaana lagu dul-qoray ‘Soomaaliya ka dhig mid weyn mar kale”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa haysta Dhalashadda Maraykanka, wuxuuna ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee haya talada dalkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu uga mahad celiyey Ambassador Stephen Schwartz sida uu dadaalka ugu jiro Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, wuxuuna ka codsaday Dowladda Maraykanka inay sii kordhiyaan Taageeradda dib loogu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
©Radio Dalsan