DAAWO:-Qaad farabadan oo Maanta markale lagu gubay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay qaad farabadan ka sameeyay Xaafadda Daaru-salaan ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa Maanta warbaahinta u soo Bandhigay dhowr Jawaan iyo gaarigii lagu waday qaadka, kaasi oo lagu qabtay Xaafadda Daaru-salaan, isla markaana la doonayay in lasoo geliyo Muqdisho, si loo sii iibiyo.

Intaas kadib qaadka ayaa waxaa lagu gubay agagaarka Saldhiga Degmada Yaaqshiid, waxaana goobta ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Yaaqshiid.

Shalay aheyd markii qaad badan lagu gubay Muqdisho, kaasi oo laga soo dejiyay deegaanka Ceel-macaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana markii dambe la keenay Muqdisho laguna wareejiyay Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha.

Hoos ka Daawo Muuqaalka warbixinta lagu gubay Qaadka.