Cali Guusdlaawe oo Nairobi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah AL-shabaab, xaaladaha deegaanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muhiim u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-shabaab oo degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamulayeen laga saaaray.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dardargalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kulankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor