Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteriga, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii saqdii dhexe ee xalay ka dhaacay gudaha magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.
“Annaga ayaa ka dambeynay Weerarkii Mandera, oo aan ku dilay 6 Kirishtaan ah” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteriga, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka dambeeyeen Gaariga Boliska Kenya ee lagu qarxiyey miino jidka lagu aasay Waddada dhinaceeda.
Xarakadda Alshabaab waxay horey u sheegeen inay sii wadi doonaan Weeraradda ay ka geystaan gudaha Kenya, tan iyo inta Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga wada saarayo gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in weerarka ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyeen Xaafadda Buulo Bubliko ee Mandera lagu dilay 6 ka mid ah Shaqaalaha aan u dhalanin Deegaanka ee ka shaqeeya Kaawooyinka Dhagaxa ee duleedka Mandera.
Weerarkaasi waxaa kaloo si xun ugu dhaawacmay hal qof, iyadoo la la’ yahay 2 kale, sida ay sheegeen Boliska Kenya oo ku dooday inay 25 shaqaaale soo badbaadiyeen.
Guddoomiyaha Mandera, Ali Robo ayaa isagana Bartiisa Twitterka ku sheegay inay mar kale la dhibaataysan yihiin Weerar laga tiiraanyoodo, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna xaqiijiyey in 6 qof lagu dilay weerarkii Alshabaab ka geysteen Mandera.
©Radio Dalsan