Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xilka looga qaaday Cabdiraxmaan Sayid Cali oo ahaa Gudoomiyihii degmada Shibis, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay loo jeedinayay eedeymo kala duwan.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Sayid ayaa waxaa lagu xiray Xarunta hay’ada dembi baarista ah ee CID-da, si baaris loogu sameeyo falal ku aadan Arrimo musuq-maasuq.
Warar la helayo ayaa sheegaya in xilka qaadista C/raxmaan Sayid ay timid, kadib markii uu amar ku soo rogay guryaha, kaasi oo ku aadan warqad diiwaangelin guri kasta qoysaska degan oo la sheegay in laga qaadayay gurigiiba lacag, taasoo aanay aheyn mid guud oo degmooyinka oo dhan quseysay.