Calanka Soomaaliya oo muddo Seddex cisho ah hoos loo dhigayo

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo  ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, oo xaalad caafimaad markii hore loo geeyay .Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda

“Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabay guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.