(DHAGEEYSO):-Wasiirada Koonfur Galbeed oo amray in wax laga qabto dhibaatooyinka Amni ee Maamulkaas.

Golaha wasiirada ee maamulkaas ayaa kulan isugu yimaadeen waxaa kaga hadleen xaalada maamulka iyo dhibaatooyinka ka jira meelaha uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed.

Wasiiradu waxaa ay isla qireen in dhibaatiyin amni ay ka jiraan Seddexda gobol ee maamulka  Shabeelaha hoose,Baay Iyo Bakool islamarkaana loo baahanyahay in wax laga qabto arimaha amni ee Koonfur galbeed.

Wasiiradu waxaa ay amreen ciiddmada amaanka inay si weyn u ilaaliyaan amaanka degaanada ay ku suganyihiin kadib markii marar badan lala beegsaday weeraro saldhigyo ay ciidamadu ku leeyihiin gobalka Shabeelaha hoose iyo deegano kamid ah Baay iyo Bakool.

Deeganada maamulka koonfur galbeed waxaa siyaabooyin kala duwan uga dhaca falal lidi ku ah amaanka iyadoo marar badan shabeelaha hoose iyo meelo kale oo kamid ah koonfur galbeed ay weeraro ku qaadeen shabaab islamarkaana ay ka dhalatay waxyeelo Badan.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Cod-ka Wasiir Maxamed Xassan Fiqi

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media