Dhawaan waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyey shirkii Amniga Qaranka oo ay yeesheen Madaxda dalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku aadan qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga Qaranka ee Magalada Baydhabo.
“Waxaan bogaadinayaa Mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiiyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay.
Sidoo kale madaxda Waxaan ku dhiirrigelinayaa, waxa ay isla soo oggolaadeen iney ka gadaan hay’adaha iyo madaxda kale ee ay ku mataleen shirka si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira iyadoo la sammeynayo ama la dhammeystirayo wixii dhimmaan xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan.
Duruufaha dalkeennu ku sugan yahay maanta awgeed, wadar-oggolku waa muhiim ee ha la sii dhammeystiro.
Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomara oo ammaanay qodobadii ka soo baxay shirkaas,waxana sidoo kale horay u taageeray Siyaasiyiin kale halka ku