Faah Faahin: Qarax ka dhex-dhacay Kolonyo ay leeyihiin Ciidamada ATMIS

Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax Goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,gaar ahaan Isgooyyska KM4, waxaana lahelayaa warar kala duwan oo ku aaddan qaraaxasi.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah Caasimadda, ayaa dhacay Xilli ay waddada marayeen Ciidamada ATMIS, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sdia ay ku warramayaan goobjoogayaal ka ag-dhawaa halka waxka dahceen.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay kolonyo ATMIS ay leedahay oo meesha Marayay, mana ahayn sida la sheegay Qaraxa banananka kaga yimid ama lala beegsaday.

Mid ka mid ah Gawaarida ATMIS ayuu ka dhex Qaraxay qaraxu, lamana xaqiijin ilaa iyo hadda waxa sababay Qaraxaasi, waxaana Ciidamada ATMIS ay fureen Rasaas, taasi oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Ilaa iyo Seddex qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku waxyeeloobeen Qaraxaasi,waxaana jira barbur soo garay goobo ganacasi oo ka ag-dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Cidamada ammaanka ayaa gaaray goobta wax ka dhaceen,waxaaan hakad galay isku socodka guud ee waddada KM4, inkastoo hadda ay xaaladdu caadi kusoo laaabtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor