Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda Federaal Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Saraakiisha Kumaandooska Dana bee ku Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo sida ay sheegeen ku soo jeeday Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in waxyaabihii saarnaa gaarigaas laga furay haddana uu gacanta ugu jiro Ciidanka Danab, wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidanku ay wadaan Howlgallo ballaaran oo degaankaas ammaankiisa lagu sugayo.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka waday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Goboka Shabeellaha Hoose, waxaana dhawaan ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Kuntuwaarey ee Gobolkaas.