Weerar Caawa lagu qaaday mid ka mid ah Xarumaha Ciidamada Dowladda ee Muqdisho

Caawa Fiidkii ayaa Kooxo hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in la weeraray Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Warshadii hore ee Barafuunka oo ku taalla Isgoyska Soos.

Waxa ay sheegen in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo Saacad ku dhow socday oo aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay xili habeen ah tahay.

Wararka aan haatan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana Ciidamada dowladda ee ku sugan Warshadii hore ee Barafuunka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Koontoroolka Warshadii hore ee Barafuunka degmada Hurwaa ayaa tiro ka dhowr jeer la weeraray kamana hadlaan laamaha amniga iyo Maamulka degmada Hurwaa intaba.