Wararka naga soo gaaraya Xaafada Coca Cola ee degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Mid ka mid ah Maamulayaasha Iskuul halkaasi ku yaalla.
Maamulaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen,waxaana Bare iyo Maamulaba uu ka ahaa Iskuulka Al Kifaaf ee Xaafadda Coca Cola degmada Yaaqshiid.
Dadkii ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka bassaday lamina oga sababta loo dilay Maamulaha.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho degmooyin ka mid ah waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo,kuwaas oo ay wax ku noqdeen dad rayid ah.