Shirweyne looga hadlayo Tahriibayaasha ka ambabaxa Xeebaha Libya oo berri ka furmi doona dalka Masar

Magaalladda loo dalxiis tago ee Sharma-sheekh ee dalka Masar  waxaa berrito ka furmi doono Shirweyne Caalami oo looga hadlay Tahriibayaasha ay Soomaalidu ku jiraan ee naftooda ku biimeynayo Badda Mediterranean Sea, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Talyaaniga iyo kuwa Libya.

Shirweynahaasi oo socon doona muddo labo maalmood ayaa waxay Dowladaha ka walaacsan Tahriibka isku dhaafsan doonaan Warbixinadda la xiriirta Tariibka, Kooxaha Dembiilayaasha ee ka shaqeeya Tahriibka iyo sidii Fursado shaqo loogu abuuri lahaa Tahriibayaasha saboolnimadda kaga soo cararayo dalalka Geeska Afrika.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Masar, Hishaan Bader ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay horey u qaadaan Tallaaabo adag ka qaadaan Tahriibayaasha, si nolosha dadka Birri-ma-geydada loo badbaadiyo  Kooxaha habaysan iyo Burcadda ku sugan dalka Libya.

Dhinaca kale, Shirweynaha Caalamiha ee  looga hadlayo Arrimaha  Tahriibka ee berrito ka furmayo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar waxaa ka soo qeyb geli doonaa Ergooyin ka kala socda Ururradda Midowga Europe, Midowga Afrika iyo Dowladaha Somalia, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Italy, France, UK, Germany iyo Malta.

Sidoo kale, Caasimadda dalka Belgium ee Brussels waxaa berri kulan khaas ah ku yeelan doona Hoggaamiyayaasha 28-ka Dowladood ee xubnaha ka Ururkaasi, kuwaasi oo isla eegi doona Xaalladda Tahriibayaasha ku le’anayo Badda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor