UNICEF oo codsatay Dhaqaale lagu taageero Carruurta ku macluulsan Somalia iyo dalal kale.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa codsatay Dhaqaale degdeg ah oo dhan 255 million oo Dollar si loogu adeegsado Baahida 22-million oo Carruur oo ku nool dalalka Somalia, South Sudan, Yemen iyo W/bari Nigeria.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay inay ku-dhawaad 1.4 million oo Carruur haysato nafaqo-darro, kuwaasioo qarka u saaran inay sannadkan geeriyoodaan, waaa sida ay UNICEF sheegtay.

Agaasimaha Barnaamijka Degdegga ee Hay’adda UNICEF, Manuel Fotaine ayaa sheegay inay jirao carruur Somali ah oo horey u geeriyooday.

Wuxuuna ku baaqay inaysan mar kale dhicin Macluushii ka dhacday Somalia sannadkii 2011-kii.

Bishii hore ayaa lagu dhawaaqay inay Xaallad Macluul ah ka jiraan dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.

©Radio Dalsan