Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa codsatay Dhaqaale degdeg ah oo dhan 255 million oo Dollar si loogu adeegsado Baahida 22-million oo Carruur oo ku nool dalalka Somalia, South Sudan, Yemen iyo W/bari Nigeria.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay inay ku-dhawaad 1.4 million oo Carruur haysato nafaqo-darro, kuwaasioo qarka u saaran inay sannadkan geeriyoodaan, waaa sida ay UNICEF sheegtay.
Agaasimaha Barnaamijka Degdegga ee Hay’adda UNICEF, Manuel Fotaine ayaa sheegay inay jirao carruur Somali ah oo horey u geeriyooday.
Wuxuuna ku baaqay inaysan mar kale dhicin Macluushii ka dhacday Somalia sannadkii 2011-kii.
Bishii hore ayaa lagu dhawaaqay inay Xaallad Macluul ah ka jiraan dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.
©Radio Dalsan