Shaqaalaha dowlada oo maalinta barita ah la fasaxay

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”  oo ku hadlayay Afka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda la fasaxay maalinta Beri ah Munaasabadda xuska 15-ka May owgeed.

Xuska 15-ka May ayaa ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.