Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa galabta soo xiray shirka wada tashiga hormarinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ay Muqdisho ka daah furtay wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya.
Shirkaan ayaa socday Seddexdii maalin aynu soo dhaafnay, waxaana ka qeyb galay wasiirada warfaafinta maamul goboleedyada hoosyimaada dowladda federaalka iyo madaxda ururada warbaahinta, iyadoo looga hadlay mudada uu socday shirka hormarka warbaahinta, wax ka badalka qodobada qaar xeerka saaxafada ee la meel mariyey sanadkii hore iyo barnaamijka wacyigelinta bulshada.