Raashiya oo ku gacan sayrtay Qaraar ka dhan ahaa Dowladda Syria.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay xalay yeesheen Kulan ay ku cambaarayn lahaayeen weerarkii Hubka Gaaska ee ay dadka badan ku geeriyoodeen.

Waa markii 8-aad ee ay Dowladda Raashiya u adeegsato Codka Diidmadda Qayaxan ee VETO POWER go’aano ay xubnaha Golaha Ammaanka ka soo saareen dagaalka 6-sanno jirsaday ee Syria.

Diidmadan ugu dambaysay, waxay Raashiya ku diiday Qaraar Qabyo ah oo ay taageerayeen Maraykanka, Faransiiska iyo Britain lagu cambaareeyo Duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Syria bishan April 4-tii ku qaadeen Degmadda Shaykhuun, laguna dilay 87 qof oo carruur u badna.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley ayaa ugu baaqday Raashiy inay joojiyaan Badbaadinta Madaxweynaha Syria, waxayna xustay inay Maraykanka doonayaan inay Raashiya kala shaqeeyaan sidii xal Siyaasdeed loogu dhmayn lahaa Xiisadda dalka Syria.

©Radio Dalsan