Sawirro:-Askartii ku geeriyootay qarixii ismiidaanta ahaa oo la aasay iyo masuuliyiin ka qeyb gashay

Allaha u naxariistee Galabta Qabuuraha Iskuul Bulusiya ee Magaalada Muqdisho waxaa  lagu aasay qaar ka mid ahaa Ciidamadii ku geeriyooday qarixii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Xarunta tababarka ciidanka ee Jenaral Kaahiye.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka ciidanka Jenaraal Muqtaar Xuseen Afrax iyo sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Dhamaan madaxdii ka qeyb gashay aaska ayaa u duceeyay Askartii ku geeriyootay qaraxaasi ismiidaaminta ah iyaga oo sheegay in ay ahaayeen kuwo shahiiday.

Askartaan ayaa ka mid ahaa Ciidamadii ka tirsanaa kuwa Booliiska ee saakay aroortii ku geeriyooday Barxada Dugsiga tababarka ee Jenaral Kaahiye kadib markii ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media