Waxaa weli isasoo taraya dowladaha Cambaareynaya weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay Gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 22 ee Magaalad Muqdisho
Muftiga Weyn ee Jamhuuriyadda Masar, Dr. Shawqi Callam ayaa sheegay inay si kulul u cambaareynayaan Weerarkaasi oo ay ugu yaraan 20-qof ku geeriyootay, tiro kalena kuna dhaawacmeen.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Muftiga dalkaasi waxa uu sheegay in waxa ka dhacayo Somalia muujinayso in loo baahan yahay inay dadka Soomaaliyeed u midoobaan Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.