Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo, kadib geeridii Taliyihii hore ee NISA ee Gobolkaas Bakaal Kooke.

Agaasime Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu Taliyaha cusub ee NISA Gobolka Gedo ugu magacaabay Jeneraal Jamaal Xasan Sarey, kaasi oo ka tirsan ciidamada kummaandooska Milateriga dowladda Federaalka.

Taliye Jamaal Xasan ayaa sida uu qorshahu yahay waxaa uu si deg deg ah u bilaabi doonaa howsha loo idmaday ee ah inuu hoggaamiyo ciidamada Nabadsugida ee Gobolka Gedo, isla markaana uu dardar-geliyo howlaha nabadgalyada ee deegaannada Gobolka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax lagu dilay Taliyihii NISA ee Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Bakaal Kooke, kaas oo qarax miino oo lagula eegtay inta u dhexeysa Luuq iyo Doolow, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegatay Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor