Kulan aan caadi aheyn oo ay  Maanta isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaliya ayaa xilkii waxa looga qaaday taliyayaasha Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya.
Soo jeedin kadib Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in xilka laga qaado taliyihii Nabad-Sugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xakiin Daahir Siciid Saacid.
Kulankaan Deg Dega ah ayaa yimid kadib markii weerar qarax ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 weerarkaas oo soo gaaray saakay waaberigii