Waxaa weli isasoo taraya dowladaha Cambaareynaya weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay Gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 22 ee Magaalad Muqdisho
Muftiga Weyn ee Jamhuuriyadda Masar, Â Dr. Shawqi Callam ayaa sheegay inay si kulul u cambaareynayaan Weerarkaasi oo ay ugu yaraan 20-qof ku geeriyootay, tiro kalena kuna dhaawacmeen.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Muftiga dalkaasi waxa uu sheegay in waxa ka dhacayo Somalia muujinayso in loo baahan yahay inay dadka Soomaaliyeed u midoobaan  Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.