Wararka naga soo gaarayo degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xalay lagu dilay degmadaas kaaliyihii guddoomiyaha maxkamada sare oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Mursal Aw Cumar.
Kooxo bastooladu ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Marxuumka oo ku sugnaa Waabari, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.
Marxuum Mursal Aw Cumar ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa xaga shaqada guddoomiyaha maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.
Ilo ku dhow Maxkamada sare ayaa Radio Dalsan u xaqaiijyey dilka marxuumka , waxaana ay sheegeen inuu socdo baarirtaan la xariira dilka kaaliyihii guddomiyaha maxkamada sare.
Indhawaanahan Muqdisho waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada oo uu ugu danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka-almukarama,gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaaliya, kaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.