Afhayeenka Boliska Sweden, Mats Eriksson ayaa sheegay inay Boliska ku raad joogeen dableydii xalay toogashadda ku dilay 2 wiil oo Walaalaha oo ku sugnaa Xaafadda Rinkbet ee W/galbeed ee Stocholm.
Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay inay dhowr Goobjooge u sheegeen inay arkeen ugu yaraan 4 qof oo ka cararayo goobta uu dilku ka dhacay, kuwaasi oo ku baxsaday gaari caddaan oo muraayadiisu midabo lahaayeen.
Goobjoogayaasha waxay sheegeen in goobta lagu dilay 2 Wiil oo Walaalo, iyadoo qof 3-aadna lagu dhaawacay.
Wakaalladda Wararka Sweden ee TT ayaa baahisay inay dad badan iskugu soo baxeen duleedka goobta ay ka dhacday Toogashada, iyagoo dhagxaan ku tuurayey Boliska.
Ma jirto dad loo soo qabtay falka Toogashadda ee xalay ka dhacday Dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla Xaafadda Rinkbet ee magaalladda Stocholm.
Wargeyska Aftonbladet ayaa qoray in Dhismaha la weeraray oo lagu magacaabo Mynta Café la xiray, kadib, markii ay dabley wejiga soo qarsatay toogasho ku dileen Labada wiil ee Soomaalida, iyadoo mid ka mid ah madaxda laga toogtay.
Dhinaca kale, Kooxo Gangestaro Soomaali ah oo iska soo horjeeda ayaa ku nool Xaafadda Rinkbet ee magaalladda Stocholm, kuwaasi oo inta badan geysta dhac hubeysan, marmarka qaarkooda dhexdooda is-ugaarsada, isna dila.
©Radio Dalsan