Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku sii jeeda Shirka London.
Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa ku welinaya safarka, kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka 11–bishaan May ka furmaya maagaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi hor-dhac ah maalin ka hor u dirtay shirka London, kaasi oo uu hor kacayey wasiirkii hore ee qorsheynta C/raxmaan ceynte oo ah madax qaban qaabada shirkaasi, waxaana lagu wadaa inuu furmo maalinta Khamiista oo ay ku beegantahay 11-ka May waxaana ka qeyb galaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
a