Jilaagga Salmaan Khaan oo booqan doona Dubai

Jilaaga Salmaan Khaan oo bishan May 6-dii lagu helay inuu isagoo cabsan dilay wiil derbi-jiif ah, laguna xukumay shan sanno ayaa loo oggolaaday inuu booqasho ugu ambabixi karo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka.

Maxkmaadda Sare ee Bombay ayaa shalay u fasaxday Jilaagaasi oo ka tirsan Shirkadda Filimadda sameysa ee Bollywood inuu u safri karo Dubai, inkastoo lagu xiray dhowr shuruud.

Salmaan Khaan ayaa lagu wadaa inuu bishan 27-da gaaro Dubai, si uu uga qeyb galo Bandhig bishan 29-ka lagu qaban doono Dubai.

Grayaqankiisa ayaa Maxkmaadda u sheegay inuu Jilaaga ambixi odono bishan May 27-da, soona laaban doono isla bishan 30-da.

Garyaqaanka  oo lagu magacaabo Niranjan Mundargi  waxa uu tilmaamay inuu Salmaan Khaan ku soo wareejin doono Baasaboorkiisa marka uu ka soo laabto Dubai muddo 12-saacadood gudaheeda.

Jilaaga waxaa kaloo lagu wargeliyey inuu Qunsuliyadda India ku leedahay magaalladda Dubai la xiriiro, marka uu tago Imaaraadka iyo marka uu ka soo laabanayo.

Bishan May 6-dii ayey ahayd markii Jilaagaas lagu helay inuu sannadkii 2002-dii gaarigiisa jiirsiiyey rag derbi-jiif ahaa, isagoo dilay hal nin, dhowr kalena dhaawacay.

Salmaan Khaan ayaa la sheegay inuu gaarigiisa Toyoto Land Cruiser uu dul marsiiyey raggaasi, xilli ay hurdeen derbiga jambigiisa.

Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay bishii September 28-dii ee sannadkii 2002-dii.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.