Weriye dilay bakayle xilli uu tebinayey Barnaamij Tebin Toos ahaa (Live)

Idaacadda Radio 24syv ee dalka Denmark ayaa qabanqaabisay Dood looga hadlayey Xiriirka ay dadka Danishka la leeyihiin Xayawaanaadka ku nool dalkaasi, laakiinse Saxafigii Tooska u tebinayey Barnaamijka ayaa la sheegay inuu  dilay Bakaylo loogu talagalay inuu qurxiyo Doodaasi.

Bkaylaha yar oo lagu magacaabay Allan ayaa la  sheegay in lagu dhuftay bambadda Baskiilka lagu cabeeyo.

Weriyihii daadihinayey oo lagu magacaabo  Asger Juhi ayaa la sheegay inuu maqaar fiiqay Bakaylihii, si ay carruurtiisa o ola joogtay u cunaan.

Saxafigaasi oo la hadlay TV 2 ayuu sheegay inuu labo jeer birta madaxa kaga dhuftay Bakaylihii, wuxuuna ku dooday  inuu ka tusaale qaatay nin jooga Xerooyinka lagu xannaaneeyo Ugaarta ee Aalborg Zoo, kaasi oo uu sheegay inuu toddobadkiiba dilo dhowr ilmo bakayle, si uu ugu quudiyo masaska lagu hayo goobtaasi.

Dhinaca kale, ,”  qoraal dheer oo ay Idaacadda Radio24syv so odhigeen bartooda Facebook ku sheegeen inuusan hadafkooda ahayn in la dilo Bakaylahaasi, balse ay doonayeen inay ka hadlaan qaabka ay Mujtamaca dadka Danishka ula dhaqmaan Xayawaanaadka.

Waxa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor