Koox burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa ganacsatada halkaas kunool, iyadoona mid kale lagu dhaawacay.
Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Bartamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalda Cape Town, iyadoona muwaadinka ay dhowr xabadood ay ku dhugteen rag hubeysnaa, isagoon goobta ku geeriyooday.
Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo kamid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi.
Dhinaca kale burcad Koonfur Afrikan ah ayaa isla xalay Magaalada Cape Town fal dhaawac ugu geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, kaasi oo kamid ah ganacasatada kunool Magaalada.
Qaar kamid ah ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Mustaf falka kadib loola cararay goob Caafimaad oo ku taalla halkaas, isagoona haatan halkaas lagu dabiibayo.
Si kastaba waa Muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo sanadkan Cusub ee 2020 lagu dilay dalka Koonfur Afrika, iyadoona ay xusid mudan tahay in sanadkii tegay ee 2019 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaasi oo ku lahaa goobo ganacsi.