Hawlgal ay Boliska Kenya ka sameeyeen Suuqa Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi waxay ku soo qabteen in ka badan 2,000 oo Loorarka Sonkorta oo Kontorobaan ah.
Madaxa Unugga Ciiddanka Khaaska ee dalkaasi, Muusa Yeego ayaa Saxaafadda u sheegay inay qabteen Sonkortaasi oo asal ahaan ay Wershadaha Sonkorta ee Mumais iyo Kabras ka keeneen dalka Brazil.
Waxa uu xusay inay dadweynaha u soo far muuqeen in Sonkor badan iyo Saliidda cuntada la dhigay Bakhaar ku yaalla Xaafadda Sekshin Saddex (Section #) ee Xaafadda Islii.
Muusa Yeego wxaa uu tilmaamay inay qabteen 3 Ganacsato Somali-Kenyan, kuwaasi oo la filayo in maanta la soo taago Maxkamad ku tyaalla Nairobi.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Badeecadaasi Amar Maxkamadeed ku gubi doonaan.