Ganacsato Somali-Kenyan lagu qabtay Sonkor Kotarabaan oo la maxkamadaynayo.

Hawlgal ay Boliska Kenya ka sameeyeen Suuqa Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi waxay ku soo qabteen in ka badan 2,000 oo Loorarka Sonkorta oo Kontorobaan ah.

Madaxa Unugga Ciiddanka Khaaska ee dalkaasi, Muusa Yeego ayaa Saxaafadda u sheegay inay qabteen Sonkortaasi oo asal ahaan ay Wershadaha Sonkorta ee Mumais iyo Kabras ka keeneen dalka Brazil.

Waxa uu xusay inay dadweynaha u soo far muuqeen in Sonkor badan iyo Saliidda cuntada  la dhigay Bakhaar ku yaalla Xaafadda Sekshin Saddex (Section #) ee Xaafadda Islii.

Muusa Yeego wxaa uu  tilmaamay inay qabteen  3 Ganacsato Somali-Kenyan, kuwaasi oo la filayo in maanta la soo taago Maxkamad ku tyaalla Nairobi.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Badeecadaasi Amar Maxkamadeed ku gubi doonaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media