Sarkaal Maraykan oo u basaasayey Shiinaha oo la xiray.

Waaxda Caddaladda ee dalkaasi ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi lagu tuhunsan yahay inuu u basaasayey Shiinaha.

Hay’adda Dembi-baarista Federalka ee FBI-da ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayaan Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Ron Rockwell Hansen oo 58-jir, kaasi oo la qabtay isagoo doonayey inuu helo Duullimaad Transit ah oo uu ku tegi lahaa Shiinaha.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu doonayey inuu Shiinaha u gudbiyo Warbixin la xiriirta Difaaca Qaranka Maraykanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media